Magaca Shirkadda ku guulaystay Dhismaha Xabsiga Cusub ee Hargeysa oo la shaaciyey

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey shirkadda ku guulaysatay fulinta mashruuc cusub oo xukuumadda Somaliland ka hirgelinayso magaalada Hargeysa, kaas oo guddigu hore u naadiyeen qandaraaskiisa oo lagu tartamay.

Mashruuca tartankan qandaraaskiisa la shaaciyey ayaa ah Dhismaha Xabsi Cusub oo laga hirgelinayo magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaana ku tartamay 21 Shirkadood oo ka mid ah Shirkadaha Dhismaha ee dalka.

Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyda Qaranka oo lagu shaaciyey natiijada ka soo baxday tartanka loo galay Qandaraaska mashruucan, waxa goob-joog ka ahaa Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Shirkadaha Tartanka ka qayb-galay iyo Saraakiil ka socday Taliska Ciidanka Asluubta ee Somaliland oo ah hay’adda mashruuca loo fulinayo.

Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo sheegay in fulinta mashruuca Xabsiga Cusub ee Hargeysa  ay ku guulaysatay Shirkadda Aflax Construction Company oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn xagga dhismaha ee dalka.

“Waxaad naga sugayseen go’aankii kama-dambaysta ahaa ee shirkadda ku guulaysatay dhismaha jeelka cusub ee ay Hargeysa yeelan doonto. Waxa ku soo tartamay 21 shirkadood, waxa ku guulaystay Aflax Construction Company. Shirkadaha kale waxaan u rejaynaynaa nasiib wanaagsan. AFLAX waxay guddigu kula dar-daarmaysaa oo ay faraysaa inay qaranka u dhisto xabsi tayo leh,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta ee Somaliland oo Guddiga Qandaraasyada ku bogaadiyey nidaamka daah-furan ee ay Qandaraaska mashruuca u soo bandhigeen.

“Waxaanu uga mahad-celinaynaa guddiga qandaraasyada qaabkii wanaagsanaa ee daah-furnaanta lahaa ee aanu goob-joogga iyo markhaatiga u nahay siday u agaasimeen hawshoodii qaranku u xil-saaray,” sidaas ayuu yidhi Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland.

Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa kulanka ka jeediyey kalmado isugu jira dhiirri-gelin uu u jeediyey shirkadaha tartanka ku hadhay iyo dar-daaran oo uu faray shirkadda qandaraaska ku guulaysatay.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net