Madaxweyne Biixi oo farriin hambalyo iyo Dhiirri-gelin xambaarsan u diray Shacabka Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacbiga ku hambalyeeyey curashada sannadkan cusub ee miilaadiga, waxaanu madaxweynuhu ku dhiirrigeliyey inay xoogga saaraan horumarka dalka iyo ilaalinta Qaranimadooda.

Madaxweynaha Somaliland

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha ayaa u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu curashada Sannadka Cusub ee miilaadiga 2021-ka awgeed, sannadka Hijriga 1442-ka kuna beegan Jimcaha 01/01/2021-ka uu hambalyo u dirayaa dhammaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta beesha caalamka.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu hambalyo iyo salaan u dirayaa dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dawladda, goleyaasha qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan.

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Alle uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa ku gaadhaan nabadqab, barwaaqo, bash-bash iyo horumar, inta xanuusanaysana ka dulqaado xanuunka uguna bedelo caafimaad taama. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2021-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo xasillooni iyo horumar waara.

Ugu danbayn wuxuu madaxweynuhu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ku boggaadinayaa dedaalkooda horumarka iyo doorka muuqda ay ka qaataan nabadgelyada wuxuuna ku dhiirigelinayaa inay kor u qaadaan wax-wada qabsiga iyo midnimada dhexdooda kuna tartamaan iskaashiga horumarka, isla markaana ilaashadaan jiritaanka qarankooda.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net