Madaxweyne Biixi Oo Cagjar Ku Soo Gole Joojinaya Wajaale Iyo Waxa Soo Kordhay

Hargeysa (SLPOST) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu wadaa Inuu safar ku tago Magaalada Wajaale ee Gobolka Gabiley.

Ma jiro War rasmiya oo Dawladdu arrintan ka soo saartay, balse Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha oo ay Safarkiisa ku wehelin doonaan Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Saraakiisha Ciidammada kala duwan ee ammaanka, ay Tog-wajaale shir ku yeelanayaan Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo isaguna Safar ku imanaya halkaas.

Madaxweyneyaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Dawladda Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar, ayaa ka wada-hadli doona Xidhiidhka labada dhinac ka dhexeeya iyo siday muhiim u tahay in midba midka kale ammaankiisa ka shaqeeyo, maaddaama oo ay wadaagaan xuduud dheer.

Kulankan ayaa sida la xaqiijiyey si gaar ah u khuseeya Shir ay dhawaan Magaalada Jigjiga ku yeesheen Madax-dhaqameed iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, kuwaasi oo gebogabadii shirkaa ka soo saaray War ah inay dagaal la galayaan Somaliland oo ay qaddiyadeeda ka soo horjeedaan, shirkaasi oo Dawladda iyo Shacabka Somaliland ka cadhoodeen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweynaha DDSI uu shirkaa cudur-daar kaga bixin doono warka lidka ku ah Somaliland ee ka soo baxay Shirka ka dhacay Jigjiga.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa ayaa shirka Wajaale ka dib, waxay socdaal ku soo mari doonaan Degmooyinka ku teedsan xuduudka Galbeed ee Somaliland.

 

Somalilandpost.net/Hargeisa OfficeÂ