“Ma jirto Cid ixtiraamaysa Waddan fashilmay (Somalia). Ha iska qayliyaan, innaguna hore ayaynu u soconaynaa” – Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay waxba iska beddeli doonin heshiiska iskaashi ee dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia maadaama oo, sida uu sheegay, Soomaaliya tahay dowlad fashilantay Oo aan kalsooni ka haysan caalamka.

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu xusay in Caalamku Ethiopia u hayo ixtiraam iyo Qaddarin badan marka loo eego Soomaaliya, isagoo hadalkiisa daliil uga dhigay isbeddelkii siyaasadeed ee ka dhashay dagaalkii labaad ee Dunida kaddib markii laga guulaystay Xulafadii uu Talyaanigu ka mid ahaa.

Faysal Cali Waraabe ayaa arrimahan kaga hadlay Qoraal uu caawa ku baahiyey Bartiisa Twitter-ka, waxaanu yidhi, “Ma jirto Cid ixtiraamaysa Waddan fashilmay (Somalia). Adduunku Itoobiya wuu ka ixtiraamaa Soomaaliya. Somaliland way ka istiraatijisan tahay dalka fashilmay ee Somalia.”

“Waana sababta keentay in xoogaggii ku guulaystey Dagaalkii Labaad ee dunidu ay Soomaaliya Ugu wareejiyeen Talyaanigii dagaalka lagu jabiyey.”

“Ha iska qayliyaan, innaguna hore ayaynu u soconaynaa. Bye bye.” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Somalilandpost Media Inc.