Jaamacadda AbaarsoTech oo Website Xogta Covid-19 laga heli karo ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Jaamacadda AbaarTech ee xarunteedu tahay magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigtay Mareeg cusub oo loogu talo-galay in lagu soo bandhigo Xogta caabuqa Coronavirus ee Somaliland iyo guud ahaaan dalalka Bariga qaaraddda Afrika.

Website-ka oo ay hirgeliyeen ardayda wax ka barata Kuliyadda IT-ga ee Jaamacadda AbaarsoTech, ayaa ciwaan looga dhigay SomalilandCoronavirus.com, waxaana lagu soo bandhigay halka ay marayso xogta la xidhiidha kiisaska caabuqa Coronavirus ee gudaha Somaliland, dalalka Jabuuti, Ethiopia, Somalia, Eritrea, Kenya iyo guud ahaan heerka uu caalamka ka marayo xilligan.

Qaab-dhismeedka mareegtan oo loo qaabeeyey heer Caalami ah lana mid ah website-yada dhiggiisa ee dunida isla markaana macluumaadkiisu ku qoran yihiin luqadda Afka Soomaaliga, ayaa hannaanka xogta uu xambaarsan yahay ee loogu soo bandhigay u kala qaabaysan tahay Shax iyo Jaan-tuusyo lagu muujiyey macluumaadka heerarka kala duwan ee xannuunku ka marayo gudaha Somaliland iyo Caalamkaba.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose.

https://www.youtube.com/watch?v=-bWe2ZmSHWY

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net