Isku-aadka Quarter-Finalka Ciyaaraha Gobollada Somaliland iyo Xulalka Isku soo Hadhay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqday Isku-aadka Quarter-Finalka ama Siddeed Dhammaadka tartanka Koobka kubadda Cagta ee Gobollada Somaliland.

Siddeed-dhammaadka tartanka kubadda cagta ee xulalka gobollada Somaliland, waxa isugu soo hadhay xulalka gobollada Maroodijeex, Awdal, Badhan, Xaysimo, Sool, Daad-madheedh, Hawd iyo Gabiley.

Kooxaha ayaa isugu beegmay sidan:-

Hawd vs Badhan
Awdal vs Maroodijeex
Daadmadheedh vs Sool
Gebilay iyo Xaysimo