Ingiriiska Oo Sanadkan Gudihiisa Dawlada Digniintii Shanaad Usoo Jeedisay muwaadiniinteeda Ku Sugan Somaliland Iyo Somaliya

Hargeysa (Slpost.net)- Wasaaradda arimaha dibada iyo dalalka barwaaqo sooranka dalka ingiriiska ayaa uga digey muwaadiniintooda ku nool Somaliland iyo somaliya inay si dhakhso ah uga baxaan cabsi laga qabo in ay weeraro kusoo qaadan kooxaha xagjirka ah awged.

War-saxaafadeed ay kasoo saareen arrinatan ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in kooxaha xagjirka ahi weeraro kusoo qadaan goobaha ay u badan dadka ajaanibka ah ee ku yaala Somaliland iyo somaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada iyo dalalka barwaaqo sooranka ee dalka ingiriiska ayaa ay ku sheegeen halista iyo cabsiga laga qabo in ay weeraro kala duwan kasoo qaadaan kooxaha xagjirka ahi goobaha ay ku badan yihiin dadka ajaanibka ahi ,iyaga oo xusay in dalka somaliya wakhtigan ay ku mashquulsan yihiin doorashooyinka madaxwaynaha iyo baarlamaanka dalkaas,waxaan ay dawlada ingiriisku uga digtay dhamaan muwaadiniintooda inay u safraan Somaliland iyo somaliya oo ay ka reebeen magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Waxaana war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada iyo dalalka barwaaqo sooranka dalka ingiriiska uu u dhignaa sida tan

“Waaxda arrimaha dibada iyo barwaaqo sooranka ee ingiriiska (Foreign and Commonwealth Office “FCO”) ayaa uga digaysa in gabi ahaanba loo safro dalalka somaliya iyo Somaliland marka laga reebo hargeysa iyo Berbera,taas oo xafiiska FCO ay ka digayso in labadaas magaalo lafteeda hadii aanay lagama maarmaan ahayna in aan loo safrin.

Muwaadin kaste oo ingiriiska ah oo ku sugan gudaha dalka somaliya waa inay ka baxaan kuwa qorshaynaya inay u safraan somaliyana waa inay u safrin,sidoo kalena muwaadiniinta ku sugan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera hadii anay ahayn safar muhiim ah waa inay sida ugu dhakhsaha badan uga soo baxaan magaalooyinkaas ,waxa jira khatar darajadeedu aad u sarayso oo kasoo fool leh kooxaha xagjirka ah oo ay kamid yihiin afduub ay ka fulin doonto gudaha somaliya”.

Kooxaha argagaxisada ahi waxay hore hanjabaado ugu direen ajaanibka kasoo jeeda wadamada reer galbeedka iyo kuwa hawlo shaqo ka haya ururada samafalka ah ee reer galbeedku leeyihiin”.

Warsaxaafadeedkaan loogu digayo muwaadiniinta ingiriiska ee jooga Somaliland iyo somaliya in aanay u safrin somaliya iyo Somaliland ayaa noqonaya tii shanaad ee laga soo saaray muddo sanad gudihii ah wasaaradda arimaha dibada iyo dalalka barwaaqo sooranka ingiriiska.