Hargeysa: Toos u daawo Xiisaha Ciyaarta Awdal iyo Maroodijeex oo midkood la reebayo

 

HARGEYSA (SLpost)- Waxa si habsami ah u socda tartanka Ciyaaraha gobollada Somaliland oo galay wareegga 2aad ee Knock Out-ka, kaddib markii uu soo dhammaaday wareegga 1aad ee is-reebreebka Groups-ka, waxaana maanta garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium ka socda kulan xiiso leh oo dhexmaraya Xulalka gobollada Awdal iyo Maroodijeex.

Labada Xul ee Awdal iyo Maroodijeex oo ka mid ah Xulalka ugu adag ee sannadkan ka qayb-qaadanaya tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland oo Semi-final maraya, waxa labadoodaba u halgamayaan sidii ay guul uga gaadhi lahaayeen kulanka maanta si ay ugu gudbaan wareegga Semi-finalka.

Xulka Gobolka Hawd ayaa iska xaadiriyey kulanka Semi-final kaddib markii ay shalay diriqi kaga adkaadeen xulka gobolka Badhan oo ciyaar xiiso badan dhexmartay.