Hargeysa: Gaadiid Cusub oo lagu wareejiyey Shan Degmo oo ka tirsan Gobollada dalka

 

Hargeysa (SLpost)- Shan degmo oo ka kala tirsan Gobollada Maroodijeex, Buuhoodle, Sanaag iyo Saraar, ayaa maanta lagu wareejiyey Gaadiid kala duwan oo loogu talo-galay inay ku hawl-galaan, kuna shaqeeyaan maamulka degmooyinaas.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed, ayaa maanta Gaadiidkan ku wareejiyay masuuliyiinta shanta degmo.

Munaasibadda wareejinta gaadiidkaas oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, ugu horayn waxa  ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed, oo sheegay in wasaaraddu bilawday qorsheyaal lagu kabaayo degmooyinka iyada oo miisaaniyadda qaranka sanadwalba ugu daraysa gawaadhi degmooyinka bilaa Gaadiidka ah si korloogu qaado shaqada degmooyinka ee dalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed, ayaa sheegay in gaadiidkan lagula xisaabtami doono guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyada oo lixdii biloodba lagu samayn doono kormeer.

Guddoomiyeyaasha shantan degmo ee gaadiidka lagu wareejiyay ayaa soo dhaweeyay qorshaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland ay ku kaabayso Gaadiidka degmooyinka.

Degmooyinka widh-widh iyo Dararaweyne oo ka kala tirsan gobolada Buuhoodle iyo Sanaag ayaa la guddoonsiiyay min hal gaadhi oo nooca Seerafta loo yaqaano, halka Degmooyinka Qorulugud, Oog iyo Bali-mataan oo ka kala tirsan gobollada Buuhoodle, Saraar iyo Maroodi-jeex la gudoonsiiyay min hal Gaadhi oo nooca loo yaqaano Noohada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net