“Haddii Shaxda lagaa badiyo, Aayar uunbaa Boodhka layska Jafaa” – Nuxurka khudbad-sannadeedka Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta khudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah ka jeediyey fadhi wada-jir ah oo ay isugu yimaaddeen Goleyaasha Barlamaanka Somaliland oo ka kooban Golaha Guurtida iyo Wakiillada.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu khudbaddiisa ku soo qaatay arrimo kala duwan oo khuseeya wax-qabadka xukuumaddiisu ku tallaabsatay sannadkii tagay iyo geeddi-socodka hawl-qabadyada qaran ee ay samaysay muddadii afarta sanno ahayd ee uu xilka hayay.

Md Muuse Biixi waxa uu khudbaddiisa ku soo qaatay dhinacyada Dhaqaalaha, Ganacsiga, Amniga, Siyaasadaha arrimahadibadda iyo gudaha, Doorashooyinka iyo qodobbo kale oo Arrimaha Bulshadu ka mid yihiin.