Gudoomiye Cirro Oo Dalka Ku Soo Noqday Kana Hadlay Xal U Helida Khilaafka Golaha Wakiiladda

 

Hargeysa(SLpost)-Gudoomiyaha golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa dalka maanta dalka ku soo laabtay kadib safar maalmo qaatay oo uu ku tagay Imaaraadka Carabta.

Gudoomiyaha waxa madaarka caalamiga ah ee Cigaal ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI, Xildhibaano ka mid ah golaha wakiilada iyo taageerayaasha xisbiga.

Salaan iyo soo dhawayn diiran ka bacdi gudoomiyuhu waxa uu saxaafadda kula hadlay qolka nasashada. Isaga oo ugu horayn ka hadlay u jeedada safarkiisa ayaa waxa uu yidhi “Maalmihii ugu dambeeyay waxa aan safar ugu maqnaa dalka imaaraadka carabka, safarkaasi oo ahaa mid shaqo, fasax iyo caafimaadba waxaanan ku faraxsanahay in aan dalkaygii si nabad ah ugu soo laabto”

“Shacbi ahaan waxa aynnu jecelnahay qaranimada dawladnimadeena iyo nabadeenna. Xukuumadda Somaliland waxa aan ugu baaqayaa ciddii ay xidhay in ay xabsiga ka sii deyso haddii ay noqoto madax dhaqameed, wariyayaal iyo haddii ay yihiin shacbi kale” Ayuu guddoomiyuhu yidhi.

Sidoo kale Mudane Cirro waxa uu ka hadlay halkii u ku dambeeyey murankii golaha wakiiladu, waxaana uu sheegay in ay dhammeysanayaan wixii khilaaf ah oo soo dhex galay isla markaana aan baahi loo qabin cid dheeraad ah oo dhexdhexaadisa waxaana uu yidhi “Waxaan shacbiga reer Somaliland sidii aan horeba uga raaligaliyey aan imikana uga raaligalinayaa arrintii yarayd ee golaha ka dhacday maadaama oo aan odaygii golaha ahay. Waxaana aan idiin sheegayaa uun in hawshaasi ay tahay hawl uu goluhu dhamaysanaayo, aniga iyo gudoomiye xigeenka koowaadna hawshaas annaga ayaa dhamaysanayna, gudoomiye xigeenkaygana wax dhib ah oo aan u hayaa ma jirto. Waan saamaxay wixii kale ee dhimmanna annaga ayaa dhammaysanayna cid aannu u baahanahay in ay hawshaas soo fara galisaana ma jirto”.

 

Ugu dambayntii, gudoomiye Cirro ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay culayska ka qaaddo magaalada Berbera oo uu sheegay in ay xukuumaddu saartay cadaadis aannay qaadi karin waxaanna uu yidhi “Waxaad moodaa in ay xukuumaddu si gaar ah culays aannay qaadi karin u saarayso magaalada Berbera mana ah in magaalada la saaro culays aannay qaadi karin, laakiin culayskaasi waa mid ka jira dalka oo dhan”