Guddoomiyaha Ururka SOLJA oo Dhaliilay Guddiga ka-hortagga Covid-19 ee Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Jaamac (Xuuto), ayaa dhaliilay guddiga heer Qaran ee ka-hortagga cudurka Covid-19 oo uu ku eedeeyey maamul xumo iyo inaanay nidaam sax ah u maamulin kharashka loogu talo-galay la-dagaanka caabuqa Coronavirus.

Guddoomiyaha SOLJA oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inuu qoraalkiisa ku codsaday su’aalo uu guddiga kaga weydiinayo shaqada iyo Lacago guddiga lagu wareejiyey oo loogu talo-galay la-dagaalanka Cudurka Covid-19, taas oo uu ku tilmaamay inay qayb ka tahay cilmi-baadhis uu ururku SOLJA samayntiisa ku hawlan yahay.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Guddoomiyaha SOLJA

https://www.youtube.com/watch?v=GgPuAb3GIcU