Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo u bushaareeyey Shaqaale-weynaha Qaranka

Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dowladda Farxaan Aadan Haybe

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha hay’adda shqaalaha dawladda ee Somaliland, ayaa shaqaale-weynaha Qaranka ugu bushaareeyey in hawl-maalmeedkooda shaqo fasax ka yihiin maalinta Sabtida oo ku beegan 2-da bisha 1aad 2021 curashada sannadka cusub ee Miilaadiga awgeed.

Curashada Sannadka Cusub ee Miilaadiga ayaa ku beegan maalinta Jimcaha ee Berri, Sidaa awgeed, waxa fasaxa maalintan loo riixay maalinta Sabtida, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dowladda Farxaan Aadan Haybe.

Warka ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalah Dowladda ayaa u qornaa sida hoos ka muuqata.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net