Guddiga Doorashooyinka oo war ka soo saaray Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobollada Bari ee Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyey in saddex maalmood ah lagu kordhayey muddada diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ka socota Gobollada Togdheer iyo Sanaag.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Mustafe Maxamed Daahir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo saddex maalmood ah lagu kordhiyey muddadii hore loogu qoondeeyey inay diiwaangelintu ka socoto degmooyinka Burco, Buuhoodle, Caynaba, GarAdag, Ceel-Afweyn iyo Oodweyhe oo maanta la soo gebo-gabeeyey.

Guddoomiye ku-xigeenka Komishanku waxa uu si gaar ah u dul-istaagay Goobo Cayiman oo diiwaangelintu ka socon doonto gudaha iyo deegaamada Hoos yimaadda degmooyinka Burco, Buuhoodle, Caynabo iyo Oodweyne oo marka loo eego sida loo xisaabiyo goob-doorashooyinka ka tirsan gobolka Togdheer iyo Degmooyinka Ceel-Afweyn iyo GarAdag oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadalka Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka oo si gaar-gaar ah u sheegaya goobaha ay diiwaangelintu ka sii socon doonto.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net