Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Oddoroska Miisaaniyadda 2021-ka

 

Hargeysa (SLpost)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta ansixiyay odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka oo goluhu doodo adag ka yeeshay maalmihii u dambeeyey.

Fadhiga Golaha ee maanta oo ay ka soo xaadireen 41 xildhibaan oo ka mid ah 82 mudane ee golaha Wakiillada JSL, ayaa cod gacan-taag ah loo qaaday ansixinta Miisaaniyadda, waxaana ogolaaday 27 mudane, waxa ansixinteeda diiday 5 Mudane, halka 9 xildhibaan oo kale aamuuseen, sidaasna waxa ku ansaxay Odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2021 oo xukuumaddu golaha u soo gudbisay todobaadkii hore.

Fadhigan Golaha Wakiillada ee maanta waxa Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net