Fashilka Farmaajo iyo Qaran-jabka Soomaaliya – Warbixin Xiiso leh oo laga diyaariyey Hoggaamiyaha Hungeeyey Rejadii Shacabka

 

Muqdisho (SLpost)- Muddo Saddex sanno ah ayaa ka soo wareegtay tan iyo markii xilka Soomaaliya loo dhaariyey madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo shacabka dalkaasi kalsooni badan u muujiyeen, rejo fiican-na ka qabeen wax-qabadkiisa.

Haddaba, waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa warbixin koobsanaysa hadimooyinka hoggaamineed ee madaxweyne Farmaajo u horseeday dalka Soomaaliya iyo kalsoonida shacabkii u han-weynaa ee rejada fiican ka qabay inuu isbeddel muuqda ku hoggaamiyo waddanka ay colaadaha iyo saboolnimadu regaadisay ee Soomaaliya.