Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay Dileen Abbaan-duulihii Kooxda Al-Shabaab, Bashiir Qoorgaab

 

Muqdisho (SLpost)- Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, ay dileen Abaanduulihii Maleshiyaadka Kooxda Al-Shabaab oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Qoor-gaab.

Qoraal ay soo saareen Ciidanka Soomaaliya oo ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Bashiir Qoorgaab lagu dilay duqeyn ay Ciidamada Maraykanku 22-kii February ka fuliyeen degmada Saakoow ee gobolka Jubada Dhexe ee Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Bashiir Qoorgaab uu sidoo kale ahaa madaxii howl-gallada Al-Shabaab ee Kenya iyo Xubin ka mid ah golaha fulinta Al-Shabaab, isla markaana mas’uul ka ahaa weerarada xeryaha ciidamada.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Soomaaliya, ayaa sheegay in dilka Bashiir Maxamed Qoorgaab ay ku suurta-gashay iskaaashi ay sameeyeen sirdoonkooda iyo ka taliska cidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM.

Ma jirto cid, si madax banaan u xaqiijin karta sheegashadan, kooxda Al-Shabaab-na kama hadal arrinta. Taliska Maraykanka ee AFRICOM ma shaacin dilka Bashiir Qoorgaab, balse qoraal ay soo saareen 25-kii February, ayay ku sheegeen in duqayn ay fuliyeen 22-kii bishaas ay ku dileen hoggaamiye ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

“Waxa uu ahaa hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo mas’uul ka ahaa qorsheynta iyo agaasinka howl-gallada argagixiso ee xuduudda Kenya, oo uu ku jiro howl-galkii lagu weeraray saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ay xilligaas baahiyeen AFRICOM.

Somalilandpost.net