Dowladda Maraykanka oo ku Hawlan Hirgelinta Iskaashi Milatari oo Dhexmara Somaliland

Washington (SLpost)- Dowladda Maraykanka ayaa ku hawlan hindise ay heshiis dhinaca ammaanka iyo Milatariga ah kula galayso Somaliland.

Xildhibaan James E. Risch oo ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka, lagana soo doorto gobolka Idaha, ayaa golahaas u gudbiyey wax-ka-beddel ay Dowladda Maraykanku ku samayso Miisaaniyadda Difaaca oo dhawaan aqalka Odayaashu ansixiyey.

Miisaaniyadda Difaaca Maraykanka ee Goluhu ansixiyey waxa ku jira Qadar dhaqaale oo loo qoondeeyey Heshiiska Amniga iyo iskaashiga difaaca ee Somaliland.

Waxa kale oo qorshaha difaaca Maraykanku uu la xidhiidhaa sidii looga hawlgeli lahaa saameynta Shiinuhu ku leeyahay Mandaqada Bariga Afrika, kaas oo lagu tilmaamay inuu ka hor-imanayo danaha Maraykanka ee gobolka.

Qorshahan Cusub ayaa loogu talo-galay dhiirri-gelin ah sidii looga hortagi lahaa Saamaynta Shiinuhu ku yeelan karo Biyaha Gacanka Cadmeed iyo Marin-biyoodka Baabul-mandab oo lagu tilmaamo marinka labaad ee Isu-socodka iyo Ganacsiga adduunka.

US Senate Bill passed includes Budget for Somaliland collaboration

Hindisaha uu xildhibaan James E. Risch u soo bandhigay Dowladda Maraykanka, waxa uu in taageero la siiyo Somaliland ay sii adkaynayso dimuqraadiyadda iyo xasiloonida ka jirta.

Qorshaha dowladda Maraykanka ee ku wejahan iskaashiga Somaliland, ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay Dalka ku sugan yihiin wefti ka socda Goleyaasha Congress-ka iyo Senate-ka ee Maraykanka, kuwaas oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha Somaliland, Goleyaasha xeer-dejinta, Axsaabta Siyaasadda, ururrada bulshada Rayidka ah iyo Jaamacadaha dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net