Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Wefti oo Ka Socda Dowladda Maraykanka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda Congress-ka Mareykanka oo safar shaqo ku yimi Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo lagu faahfaahiyey arrimaha ay ka wada-hadleen madaxweynaha iyo weftiga dowladda Maraykanka, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sanno ee u danbeeyey, isagoo madaxweynuhu xusay in isku duubni iyo qori isu dhiib lagu soo gaadhay halkan, kaas oo ay iska kaashadeen shacbiga iyo dawladdu kuna ilaashadeen nabadgelyada, horumarka, dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, taas oo sababtay in beesha caalamku indhaha ku hayso isbeddelka ay Somaliland ku hoggaaminayso Dimuquraaddiyadda Afrika iyo dalal badan oo caalamka ahba, marka loo eego dal aan la aqoonsan oo haddana gaadhay himilooyinkaa aan weli ka hana qaadin qaaradda afrika ee dhinaca doorashooyinka iyo nidaanka xisbiyada badan.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya labada dal, arrimaha nabadgelyada mandaqadda, horumarinta Dimuquraaddiyadda, deggenaashaha gobolka geeska Afrika iyo arrimaha siyaasadda.

Dhinacooda, xubnaha weftigu waxay madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen soo dhaweynta milgaha iyo maamuusku ku dheehan yahay ee lagu qaabiley markii ay dalka soo gaadheen, waxaanay ka markhaati kaceen horumarka, iyo Dimuquraaddiyadda ka muuqata dalka, iyagoo ballan qaaday inay warbixin buuxda oo la xidhiidha horumarka iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta Somaliland ay geyn doonaan, Congress-ka Maraykanka ee ay metelayaan. Sidoo kale waxay xuseen in ay Somaliland ku taallo goob isteraatiiji ah, kuna ammaanan tahay arrimaha doorashooyinka ee ay qabsatay.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee dhinaca amniga, safiirka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka iyo Agaasimaha machadka nabada iyo xalinta khilaafaadka.

Weftigan oo maalintii shalay dalka yimi, waxay kulamo muhiima oo gaar-gaar ah la yeesheen, xubno ka mida labada gole ee guurtida iyo wakiillada, ururada haweenka, Jaamacadda Hargeysa oo habeenkii xalay ahaa weftiga u samaysay munaasibad casho ah, iyagoo kulan kalena maanta la qaatay wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, Gudaha ee dhinaca amniga, horumarinta maaliyadda, Caafimaadka, Qorshaynta iyo Deegaanka.”

Weftiga ka socda dowladda Maraykanka oo gelinkii hore ee shalay soo gaaday magaalada Hargeysa, ayaa ka kooban laba xubnood oo ka socda Aqalka Congress-ka Maraykanka iyo laba xubnood ka tirsan Aqalka Senate-ka Maraykanka

Weftiga ka socda Dowladda Maraykanka ayaa ka kooban Afar xubnood oo isugu jira Laba Mudane oo ka tirsan Aqalka Wakiillada iyo Laba xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Odayaasha, kuwaas oo uu xubin ka yahay murashaxii hore ee Jagada madaxtinimada dalka Maraykanka Lindey Graham oo ah Senator ka tirsan Congress-ka Maraykanka, sida aanu ka soo xigannay qoraal uu bartiisa Twitter ku baahiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan.

Waxa ay ahayd sannadkii 2002-dii markii ay Somaliland boogasho ku yimaaddaan wefti ka socda Aqalka Odayaasha Maraykanka. 28-kii May 2002, waxa Somaliland booqasho ku yimi laba xildhibaan oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka, waxaanay kulamo magaalada Hargeisa kula yeesheen madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay.

Weftiga Maraykanka oo ka socday Guddiga xidhiidhka dibadda ee Aqalka Odayaasha Maraykanka oo muddo saddex saacadood oo kaliya ku sugnaa magaalada Hargeysa, waxa socdaalkooda ku wehelinayey sarkaal arrimaha Soomaalida u qaabilsanaa Maraykanka oo ka socday Safaaradda Nairobi. Ujeeddada socdaalka weftiga ayaa ahayd indho-indhayn iyo xaqiiqo-raadin ay ku samaynayeen gobolka, waxaanay markii dambe socdaalkooda ku tageen caasimadaha Ethiopia, Djibouti iyo Eritrea.

 

 

omalilandpost.net

contact@somalilandpost.net