DAAWO Warbixin laga diyaariyey Qaabkii uu dhacay Weearar Masaajid Dhexdii loogu Geystay Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin oo Dhaawacyo ka soo gaadheen

 

Dhawaan ayay ahayd Markii wakhtiga U dhaxaysa Saaladda Makhrib iyo Ta Cishaa’i Masaajid ku yaala xaafada 150-ka ee magaalada Hargaysa uu nin Ka tirsanaa shaqaalaha Dugsiga Hoose ee Nuuradiin ee xaafada Sheikh Madar uu maamula Guud ee Dugsiyada Nuuraadin ku dhex weeraray masaajidkaas oo uu wakhtigaa ku suganaa kaasi oo dhaawacyo culus ka soo gaadhsiiyay madaxa, in kasta oo xaaladda caafimaad ee maamulka dusgiyada Nuuradiin Xaaji Mahad ay hadda fiican tahay.

Ninka Macalinka ah ee weerarka geystay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed, ayaa markii dambe ciidamada Ammaanku xabsiga u taxaabeen, isagoo illaa wakhtigan falkaas u xidhan.

Haddaba, waxa aanu Muuqaalka Hoose idinku soo gudbinaynaa Warbixin laga diyaariyey Qaabka uu u dhacay weerarkaas lagu dhaawacay Maamule Mahad, waxaana warbixinta lagu soo qaatay waraysiyo lala yeeshay dad goob-joog ka ahaa Masaajidka.