Burco (SLpost)- Madaxweynaha shacabka reer Somaliland dhawaan doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi CIrro iyo saraakiil kale oo xisbiga katirsan, waxaana labada masuul dhexmaray weedho kaftan laab-xaadhasho iyo niyadsami ah isugu jira.
Kulanka madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI dhexmaray oo ka dhacay duleedka Aaska marxuum Axmed Yaasiin Gabi-xaddi oo maanta lagu aasay xabaalaha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa oo ay labadooduba ka qaybgaleen, waxana ay kulankaas madaxweynaha iyo guddoomiyuhu ku muujiyeen inay diyaar u yihiin wada-shaqayn iyo ka wada qaybqaadashada qarannimada Somaliland.
HOOS KA DAAWO MUUQAAL LAGA DUUBAY KAFTAN LAAB-XAADHASHO AH OO DHEXMARAY LABADA SIYAASI
https://youtu.be/rCIy6VxL_z0