Ciidammada Qaranka Somaliland Oo Maxaabiis Argagixiso Ku jirto Ku Qabtay Dagaalka Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa ka warbixiyey dagaal subaxnimadii saaka magaalada Laascaanood ku dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo ciidamo huwan ah oo maalmihii u dambeeyey lagu ururinayey caasimadda Gobolka Sool.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Qaranka, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranku ay dagaalka saaka ku qab-qabteen maxaabiis isugu jira maleeshiyo-beeleed deegaanka u dhashay, xubno ka tirsan Kooxaha Xag-jirka ah iyo Askar ka mid ah Ciidamada PSF ee maamul-goboleedka Puntland.

“Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku jira iska difaacidda weerarada kaga imanaya  kooxaha Argagixisadu waxa ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo iskugu jira argagixiso, ciidanka PSF ee Maamul Goboleedka Puntland iyo dad deegaanka ah oo la soo qalday,” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka.

Warku waxa uu intaas ku daray in Ciidamada Qaranka Somaliland ay xorriyaddooda u celiyeen Maxaabiis u dhashay deegaanka oo dagaalka ku dhaawacmay, kuwaas oo lagu wareejiyey eheladooda.

“Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland  waxa ay siidaysay maxaabiistii u dhalatay deegaanka kuna dhawacmay dagaalka ka socda Laascaanood oo eheladoodii lagu wareejiyay. Ciidanka Qaranka  JSL waxa ku suntan yihiin Geesinimo iyo Daacad.”

Waxa Xusid mudan In Ciidanka PSF oo ka hawl-gala gobolka Bari ee Maamul-goboleedka Puntland, ayaa loo sameeyey la-dagaalkanka kooxaha Xag-jirka ah, waxaana tabobar iyo hubka siiya Ciidamada Maraykanka.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo bilaabmay shalay gelinkii hore, ayaa sababay Dhimasho iyo Dhaawac soo gala gaadhay Ciidammada Qaranka iyo Ciidamada Huwanta ah ee ku sugan magaalada Laascaanood.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net