14 Dhimasho ah iyo 20 Dhaawac Ah oo uu Sababay Qarax Kismaayo Ka Dhacay

Kismaayo(SLpost)-Ugu yaraan 14-qof oo ay ku jiraan xoogagii fuliyay weerar ismiidaamin ah ayaa ku dhintay labaatankalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Kismaayo gaar ahaan dugsi ciidamada lagu tabobaro.

Weerarkan ayaa wuxuu ka dhacay Jaamacada Kismaayo oo ku taalla dulleedka Kismaayo, halkaasoo fadhiisin u ahayd ciidammo kuwa dowladda Somaliya ka tirsan iyo ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Kenya.

“Gaari mini-bas ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday xerada oo uu tababar ka socday, waxaana halkaa ku dhintay 14-qof oo isugu jira ciidamada dowladda iyo kooxihii Weerarkaas fuliyay, waxaana ku dhaawacmay 20-qof oo kale,” ayuu Maxamed Cabdisalaam oo ka tirsan saraakiisha ciidamada ee ku sugan Kismaayo u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray inuu socdo baadhitaan lagu ogaanayo sida uu ku soo gudbay gaadhigan waxyabaaha Qarxa siday koontaroolada xeradaas laga soo galo.

Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay inay iyagu ka dambeeyeen weerarkaas, wuxuuna xusay inay weerarkaas ku dileen askar fara badan “Askar badan oo kuwa cadowga ka tirsan ayaa ku dhintay weerarkaas, kaasoo uu fuliyay mid ka mid ah xoogaggeenna oo watay gaadhi waxyabaaha Qaraxa laga buuxiya, kaasoo isku qarxiyay gudaha xerada uu tababarku ka socday,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay Al-shabaab soo saartay.

Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay waxyeello kasoo gaartay Qaraxaas saraakiil ka tirsan ciidamadooda xeradaas ku sugnaa, inkastoo aysan sheegin tiradooda.