Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Hoggaamiyaha maamul-goboleedka Puntland

Hargeysa, 12 March 2012(SLpost)-Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo sheegay in aanu Somaliland iyo Somalia dhexmari karin wada hadal uu ka maqan yahay maamul-goboleedka Puntland.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka jawaabay hadalka hoggaamiyaha Puntland, ayaa sheegay inaan waxba ka khusayn maamulka Puntland wada-hadal dhexmara Somaliland iyo Somalia, maadaama sida uu sheegay, Puntland tahay maamul maamul-goboleed hoos taga dawladda Soomaaliya. Wasiirka oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Horta waxaanu aad u soo dhaweynaynaa go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee ahaa inay Somaliland iyo Somaliya wada hadal yeeshaan mustaqbalka dhaw,waxaana dhamaaday wakhtigii midowga Somaliya iyo Somaliland ee lixdankii, Puntland-na waa maamul Goboleed hoos taga Somaliya Somaliland-na cid ay la hadlaysaa waxa weeyaan dawlada TFG-da ee Somaliya ee maaha Puntland, markaa puntland waxba kama khuseeyaan wada hadalka oo waa maamul hoos taga dawlada TGF-da.”

Wasiirka waxa uu hadalkiisii ku daray “Dhinaca kale ee hadalkan soo baxay ee Somaliland waxay markay ugu haboonaato la hadlaysaa marka ay dawlad Soomaaliyeed oo Soomaaliya oo dhan ka masuul ah rabitaanka shacabkeedana ku fadhida, waxaanu aamisanahay in Gobalka Puntland uu ka mid yahay Soomaaliya markaa waxa arrintan wata dawlada dhexe ee Soomaaliya ama ta immika jirta ama sida  go’aanka ugu qoran ta mustaqbalka la filaayo bisha Auguest wixii ka danbeeya markaa wada hadalka na dhexmarayaa qolodaas ayuu na dhexmarayaa, waxaanu ka wada hadlaynaa danaha shacabka Somaliland iyo Soomaaliya oo ah midawgii barigii hore na dhexmaray Caalamkuna uu taas nagugarab gaalo uu nala faadhiyo oo hawshaas uu nagala shaqeeyo ayaa lagu hishiiyey aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynay.”.

Wasiirka arrimaha dibadu waxa uu sheegay in uu goboladda bariga ay ka jiraan arrimo u bahaan xal“Qaar ka mida gob;lada bariga Somaliland oo ay ka jiraan arrimo xal u baahan, arrimahaasi waa arrimo khaas u ah shacabka iyo dawlada Somaliland maaha arrin gobol-kale ama cid kale u taala waa arrin khaas u ah Somaliland.”

Wasiirka Arrimaha Dibadu waxa uu sheegay inay beesha caalamku ay sheegtay in Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dawladdood oo waddahadali kara mustaqbalka“Horta arrintaani waa arrin ku cusub oo ku soo biirtay saaxada siyaasadda geeska markii ugu horaysay beesha caalamku waxay si habdhac leh u muujisay in Somaliland iyo Soomaaliya ay kala yihiin laba dawladood oo kala gaara oo beesha caalamku ay diyaar u tahay inay ku taageerto inay ka wadahadlaan mustaqbalkooda siyaasaddeed markaa arrintaasi waa arrin uu caalamku uu soo dhaweeyay.”

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland