“Qaadhaanka Waddada Sanaag Saddexdii Bilood Ee Wasiirka Waxbarashada Amartay Waa Naga Dhan Tahay Waxase Hadhay Wixii Aynu Ku Darsan Lahayn” – Guddoomiyaha Waxbarashada Sanaag

Ceerigaabo (SLpost)- Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sanaag Aniis Saalax X. Xasan Ayaa shir-jaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay wuxu kaga hadlay dhaqaalaha waxbarasho ahaan muddada saddexda bilood ee lasoo dhaafay ay ugu deeqeen waddada Sanaag Tirada ardayda iyo macallimiinta gobolka iyo weliba inay guud ahaan ka dhan tahay qaadhaankii waddada ee wasiirka waxbarashadu amatay haseyeeshee ay hadhsan tahay wixii Reer-Sanaag ahaan ay ugu darsan lahaayeen

AniisIsagoo arrimahaas ka hadlayana guddoomiyaha waxbarashada Sanaag wuxu hadalkiisa ku bilaabay “Maanta waxannu Dahabshiil ku shubnay lacag dhan $ 30,000.00 (Soddon kun oo dollar) oo ah lacagtii qaadhaanka waddada ee ardaydu bixisay bilaha November & December/2013-ka. Halka bishii October/2013 iyadana aannu xeaynay lacag dhan US$ 15,600. 00 (Shan iyo toban kun iyo lix boqol oo dollar) oo ardaydu bixisay  iyo Macallimiinta oo bixiyey Somaliland Shilings 44,000,000/= (Afartan iyo afar milyan) Sidaasna waxa nagaga dhan qaadhaankii waddada ee wasiirka waxbarashadu wasaarad ahaan nagu amatay haseyeeshee waxase innaku hadhsan wixii Reer-Sanaag ahaan aynu ku  darsan lahayn”.

Isagoo ka hadlaya guud ahaan tirada dugsiyada gobolka Sanaag iyo ardayda iyo weliba macallimiinta lacagtani kazoo xerootayna guddoomiyaha waxbarashada gobolka Sanaag wuxu yidhi

“Lacagtu waxay kazoo xerootay 10 Dugsi Degmada Gar-adag, 24 dugsi degmada Ceel-afweyn, 24 dugsi Degmooyinka Badhan, Dhahar, & laasqoray, 98 Dugsi Degmada Ceerigaabo & degmooyinka hoos yimaadda ee Fiqifuliye, Yubbe, Yufle, Goof, Maydh iyo Xiis”. “ardayda guud ahaan dugsiyada gobolka Sanaag wax ka baratana tiradoodu waa 18000 arday oo 3000 kamid ahi wax ma haysato iyo danyar yihiin macallimiintuna guud ahaan gobolka waa 625 arday”.

Sikastaba ha ahaatee waxa muuqata in guddoomiyaha waxbarashada Sanaag iyo guud ahaan bahda waxbarashada Sanaag ay ka midho-dhaliyeen dedaalkoodii qaadhaanka waddada Sanaag ay ku darsanayeen.

Somalilandpost.net/Ceerigaabo