Waxaa jira aragtiyo badan oo isku dayay inay sharaxaan iskitsoofiriiniya.
Sababta keenta lama yaqaano, laakiin waxyaabaha qaarkood ayaa la arkay inay dadka yeeshay iskitsoofiriiniya ay dadka kale kaga duwan yihiin:
• Waxaa laga yaabaa hab-dhiska maskaxda dadka qaba iskitsoofiriiniya aanay caadi ahayn.
• Isbeddelo ah qulqul dhiigga oo naqan oo ka dhaca qaybo gaar ah oo ah maskaxda.
• Moolikiyuulo kiimiko oo maskaxda ka dhambaal qabteyaal ayaa ku yar qaybahaa gaarka ah ee maskaxda.
• Meelaha dheecaanku ku jiro (lateral ventricles) maskaxda oo weynaaday.
• Marinada dareemeyeesha isgaarsiinta oo aan caadi ahayn qayb maskaxda ka tirsan.
• Waxaa jira marag-kac ah in dadka hidde ahaan nuqul uu waayaha daran iyo daroogooyinka balwad ahaan loo qaato sida xashiishta iyo kookayn ay ku kicin karaan iskitsoofiriiniya.
• Cilmi-baadhista ayaa tilmaamaysa in cudurkan laga helo ama ay leeyihiin qoysaska qaarkood, laakiin halista in qofka ay ku dhacdo iskitsoofiriiniya, haddii qof qoyskiisa ahi qabo, way yar tahay.