Cudurka Covid-19 oo ku Laba-kacleeyey Somaliya iyo Cabsi laga qabo nooc Cusub oo CoronaVirus ah

 

Muqdisho (SLpost)- Masuuliyiinta Arrimaha Caafimaadka ee Soomaaliya, ayaa sheegay inay dalkaasi ku dhufatay mowjad labaad oo Caabuqa Coronavirus ah, kaas oo loo sababeeyey Safarrada dadka dibadda ka imanaya iyo Goobaha bulshadu isugu timaaddo oo aad u koradhay xilligan diyaar-garowga loogu jiro doorashooyinka dalkaas.

Wasiirka Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya Dr. Fawziya Abiikar ayaa sheegtay in kiisaska caabuqa Coronavirus ay kordheen 52% bishan Febuary marka loo eego bishii hore ee January. Waxay dadka ku boorrisay inay Sanka xidhaan iskana ilaaliyaan meelaha laysugu yimaaddo.

Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, Agaasimaha Cisbitaalka Martini ee Muqdisho oo ah xarunta ugu weyn ee lagu daweeyo bukaanada cudurka Covid-19, ayaa laanta Afka Soomaaliga ee VOA u sheegay inay labadii todobaad ee u dambeeyey kor u kaceen dadka xannuunku soo rito ee cusbitaalka la soo dhigo iyo baadhitaannada lagu ogaanayo xannuunka.

Tiro ku dhow 120 Qof ayaa sannadkii 2020 dalka Soomaaliya ugu dhintay xannuunka Covid-19 halka in ka badan 30 qof oo kale ku geeriyoodeen sannadkan 2021, sida uu sheegay agaasimaha Cusbitaalka Martini.

Waxa uu Agaasimuhu sheegay inay suurta-gal tahay in Soomaaliya uu soo gaadhay nooc kale oo Caabuqa Coronavirus ee laga helay dalalka Ingiriiska iyo Koonfur Afrika, isagoo intaas ku daray in xannuunka laga helay dad ka soo socdaallay Ingiriiska iyo Koonfur Afrika oo xillilgan ku jira cisbitaalka Martini.

Sidoo kale, waxa xaaladda xannuunka covid-19 ee Soomaaliya ka dayriyey hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya caafimaadka.

“Natiijada baadhisaha aanu wadnaa waxay sheegayaa in inta badan kiisaska covid-19 yihiin qaar dibadda ka yimi waxaana fiditaankiisa kor u qaaday isu-imaatinka dadka ee goobaha lagu kulmo iyadoon loo hoggaansamin tilmaamaha caafimaadka,” sidaas waxa VOA u sheegay wakiilka hay’adda Caafimaadka Adduunka u jooga Soomaaliya Dr. Mamunur Rahman Malik.

“Way adag tahay in la xaqiijiyo, laakiin xilliga doorashada awgeed, waxa jira dad badan oo dibadda ka imanaya, gaar ahaan kuwa ka socda waddamada hadda Karantiinka ku jira,” sidaas waxa yidhi Dr Mamnur Malik.

Ilaa inta la ogyahay ee la xaqiijiyey, tirada kiisaska Coronavirus ee laga diiwaangeliyey Soomaaliya ayaa 5,183 qof iyo 152 dhimasho,

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net