Maraykanka oo Mar kale Ciidamo Dheeraad ah u diraya Waddanka Ciraaq

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Barrack Obama, ayaa shaaca ka qaaday inuu mar kale ciidamo u dirayo Dalka Ciraaq oo xaalado ammaan-darro iyo qul-qulatooyin ka dillaaceen dhowrkii todobaad u dambeeyey.

CIIDAMO MARAYKAN AHQorshaha Dawladda Maraykanku Ciidamadu ugu dirayso dalka Ciraaq, ayaa ka dambeeyey ka dib markii Woqooyiga dalkaas intiisa badan gacanta u galay xoogag Islaamiyiin ah oo lagu magacaabo ISIL (Ismamic State of Iraq and Levate), kuwaas oo wakhtigan gacanta ku haya deegaamo ku yaala duleedka magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.

Dawladda Maraykanku waxa ay dalka Ciraaq u diraysaa 275 ka mid ah Milatarigooda si ay u ilaaliyaan Safaaradda Maraykanka ee Baq iyo Danaha kale ee uu ku leeyahay, halka sidoo kale ay ka fiirsanayaan inay u diraan Ciidamada sida gaarka ah u tabobaran si ay ula dagaalamaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee awooddoodu ku fidayso dalka Ciraaq, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Pentagon ee gaashaan-dhigga Maraykanka. Haseyeeshee, Aqalka Cad, ayaa hore ugu adkeystay inaanu Maraykanku ciidamadiisu u dirayn, kana hor-tagayaan dagaal hor leh oo dalkoodu galo.

Madaxweyne Barack Obama oo warbixin u jeedinayey Aqalka Odayaasha ee Maraykanka, ayaa sheegay in ciidamadaas loogu talo-galay ilaalinta Safaaraddooda Baqdaad isla markaana ay dalkaas sii joogi doonaan ilaa inta la dejinayo xaaladaha ammaan-darro ee jira.

Dalka Ciraaq, waxa xilligan ku sugan 160 Askari oo Maraykan, qaar ka mid ah ciidamada Cusub ee lagu celinayo dalkaasi waxa ay ka mid ahaayeen cutubyo dhowaan dib ugu noqday Maraykan.

Warar kale oo la xidhiidha Qorshaha uu Maraykanku doonayo inuu ku waajaho dagaal uu la galo Kooxaha Islaamiyiinta ah ee Ciraaq, ayaa la sheegay inuu kala-tashanayo isla markaana talooyin iyo is-kaashi kala yeelanayo waddanka ay jaarka yihiin ee Iran oo cadaawad xooggani ka dhaxayso.

Sannadkii 2003-dii ayaa Milatariga dalka Maraykanku duullaan ku qaadeen waddanka Ciraaq, waxaanay halkaas ku burburiyeen nidaamkii dawladeed ee Madaxweyne Saddam Xuseen, waxaanay ciidamadiisa oo boqolaal kun gaadhayey badankooda dib looga celiyey sannadkii 2011-kii.

SOMALILANDPOST.NET