Xukuumadu Waa inay si Deg Deg ah Xilka Uga Qaado Gudoomiyaha Salexlley SHiine Tahar

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah

Waxaa 23/12/2011 ka dhacay demada salexlley arin foolxun oo looga danlahaa in lagu waxyeeleeyo sumcada iyo sharafta ay leeyihiin dadka dega deegaanka salexlley,isla markaana la doonayey in karaamada lagaga qaado suldaanka guud ee beelaha soomaliland, Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir

Arinkaas oo uu ka danbeeyey gudoomiyaha degmada salexlley Shiine Tahar

Iyada oo uu u adeegsadey dumar iyo caruur uu si khaldan wax u fahamsiiyey

Taas oo la doonayo in lagu wax yeeleeyo jiritaanka walaalnimo iyo wax wada qabsi ee labada beelood ee walaalaha ah isla markaana wada Gobolka hawd

Hadaba hadii aanu nahay dadka dega deegaanka salexlley isla markaana ka tirsan Gobolka Hawd waxaanu ka danbaynaa suldaanka guud ee beesha waxa uu noo Soo jeediyana khalad iyo saxba waanu ku khasbanahay in aanu qaadno

Hadaba xukuumada jamuuriyada soomaliland waxaanu usoo jeedinaynaa anaga oo aad uga xun falkii meeshaa ka dhacay in ay si deg deg ah xilka uga qaado Gudoomiyaha degmeda salexlley oo dano gaara ka lahaa arinkaa lagu kala fogaynayo labada beelood ee wada dega Gobolka hawd

Ugu danbayntii waxaanu ka raali galinaynaa dhamaan shacbi waynaha reer Soomaaliland gaar ahaan shacbiga Gobolka hawd iyo cidkasta oo dhibsatay

Arintaa cadawgu doonayey inuu kaga faaiidaysto dadkaa walaalaha ah

ALLaa Mahad Leh

Yusuf Keyse C/laahi