Tacsi Tiiraanyo leh oo ku socota Qoyska Ilma Qaasim Walanwal

tacsiDr: Maxamed Yaasiin X, Ducaale, Abwaan: Maxamuud Saleebaan X Ducaale, Maxamed Axmed Xaaji Ducaale, Maxamud Yasiin X ducaale, Abokor jibriil Yuusuf Axmed, Axmed Saalax daahir Cabdi, Maxamed Jibriil Axmed Xasan, Caydaruus saalax X ducaale, Faadumo Yaasiin X ducaale, Deeqa Saleebaan X Ducaale, Muna Jibriil Yuusuf Axmed, Faadumo Jibriil Axmed Xasan.

Dhammaan dadkaasi waxay halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaan Ehelka, qaraabada iyo qoyska reer WALANWAL, gaar ahaan ilma Qaasim Walanwal, iyaga oo ka tacsiyadaynaya geerida naxdinta leh ee ku timi Marxuum Maxamed Qaasim Walanwal. oo lagu dilay habeenkii Axadii ee 29/2/2015 magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan Xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Phiphly.

Waxaanu marxuumka Alleh baryaynaa in uu janatul Fardowsa ka waraabiyo, Samir iyo iimaana ka siiyo qaraabadii, ehelkii, qaasatan qoyska uu ka geeriyooday.