Somaliland: 18 Qof oo laga helay Cudurka Covid-19 iyo Xaaladihii u dambeeyey ee saamaynta Cudurka

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay tirada Dad cusub oo laga helay Xanuunka Covid-19 kuwaas oo intooda badani ku nool yihiin magaalada Hargeysa.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo warbixinta maalinlaha ah ee xaaladda xannuunka la wadaagtay warbaahinta, waxa uu sheegay in baadhitaanno 24 Saac ee u dambeeyey baadhitaanno la sameeyey Xannuunka laga helay 18 qof, taas oo tirada Guud ee Dadka laga helay Xanuunka ee Somaliland ka dhigaysa 376 Qof.

 

 

Tirada Dadka cusub ee xannuunka ka bogsaday, ayaa ah 6 Qof, taas oo Tirada guud ee Dadka Xanuunka ka bogsaday ka dhigaysaa 54 Qof.

Ma jirto Cid Xannuunka u dhimatay oo warbixinta maalinlaha ah lagu xaqiijiyey, balse tirada guud ee dadka xannuunka u geeriyooday ayaa maraysa 22 ruux.

Tirada Guud ee dadka xannuunka laga baadhay ayaa ah 1481 Qof oo 374 Qof oo ka mid ah laga helay xannuunka, taas oo cel-celis ahaan ka dhigan in guud ahaan dadka laga baadhay boqolkiiba 25.2% laga helay Cudurka Covid-19.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net