shir ka dhacey magaalada london maanata oo ay qabteen qurbo jooga ka soo jeeda beesha ciisa muuse

shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen aqoonyahan,waxgarad,waayeel,haween iyo dhalinyaro kasoo jeeda beesha ciisa muuse ayaa kadhacey dalka uk gaar ahaa magaalada london .
shirkan ayaa ujeedadiisu aheyd taageero ay kumuujinayeen inay taageersanyiin dhacdadii maalintii dhaweyd kadhacdey gobolka saaxil waxaanay taageero udirayaan badgasaabkii hore iyo maayerkii magaalada berbera sida kartida iyo geesinimada le ee ay yeeleen.
Dhanka kalena waxay habalyo udirayaan badahasaabka cusub iyo maayarka iyo maayarkuxigeenka magaalada berbera ,waxaanay ugu baaqayaan in ay halkaa sidii hore horumarka uga sii wadaan iskuna duubnaadaan.
Sidookale waxa kale oo shirkan lagaga hadley in ay beeshu gudo iyo dibadba kashaqeeyaan horumarinta gobolka saaxil ,waxaney xukuumada somaliland ee madaxweyne siilaanyo kamadaxda yahey usoo jeedinyaan in ay faraha kala baxaan golaha deegaanka oo iyaga si xaq ah ay usoo dooratey kuna qasbikarin waxa ay rabaan dadka deegaanku ,gaba gabadiina waxa uu shirkaasi kudhamaadey jawi wanaagasan

LONDON UK