Oodweyne: Guddiga Qandaraasyada oo Kormeeray Mashaariic laga hirgeliyey Caasimadda Daad-madheedh

 

Oodweyne (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud iyo Xubno ka tirsan Guddigaas, ayaa maanta gaadhay magaalada Oodweyne ee Xarunta gobolka Daad-madheedh, waxaanay guddigu kormeer indho-indhayn ku sameeyeen mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay degmada Oodweyne.

Weftiga Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada oo maalmihii u dambeeyey ku gudo-jiray kormeer ay ugu kuur-galayaan mashaariic kala duwan oo laga kharashka ku baxay laga maalgeliyey miisaaniyadda Qaranka oo gobollada dalka laga hirgeliyey, ayaa maanta indhahooda ku soo arkay qaabka loo fuliyey iyo habsami-u-socodka saddex mashruuc oo laga hirgeliyey degmadaas, qaarkoodna socdaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dhismaha Maxkamadda Gobolka Daad-madheedh, Dhismaha Xabsiga Oodweyne iyo Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada oo dhismihiisu socdo.

Weftiga Guddiga Qandaraasyada waxa habsami-u-socodka mashaariicda faahfaahin ka siiyey Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh Nuux Cismaan Guuleed iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Cabdiraxmaan Xasan Cumar.

Warkan oo faahfaahsan iyo Hadallada masuuliyiinta, kaga bogo Muuqaalka Hoose

 

Kormeerka Weftiga Guddiga Qandaraasyada iyo Gobollada ay soo mareen

Ujeeddada kormeerka weftigan waxa ay masuuliyiinta Guddiga Qandaraasyadu ku sheegeen mid ay ugu kuur-galayaan isla markaana ku xaqiijiyeen habsami-u-socodka iyo tayada mashaariicdan oo laga maal-gelinayo miisaaniyadda dowladda, kuwaas oo ay fulinayaan shirkado waddani ah oo laga dhex-xushay tartan ay Guddiga Qandaraasyadu qabteen.

Weftiga Guddiga Qandaraasyada Qaranka waxa ay toddobaadkii hore kormeerkooda guud ka bilaabeen gobolka Sanaag gaar ahaan degmooyinka Gar-Adag iyo Ceerigaabo oo ay ka socdaan ama laga fuliyey mashaariic tiro badan oo xukuumaddu maalgelisay, iyagoo sidoo kale safarkooda indho-indhaynta ah kutagay magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

Weftiga ayaa 28-kii December, 2020 kormeerkooda ka bilaabeen Dhismaha Xarunta Jaamacadda degmada Garadag oo inteeda badan la dhammeystiray, waxaanay halkaas warbixin kaga dhegaysteen maamulka degmada oo xog-warran ka siiyey habsami-u-socodka dhismaha jaamacadda.

Sidoo kale, waxa ay weftiga Guddiga Qandaraasyada Qaranku Salaasadii toddobaadkii hore oo ku beegnayd 29-kii December ee sannadkii hore gaadheen degmada Ceerigaabo, waxaanay si gooni-gooni ah kormeer ugu sameeyeen dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada. Mashaariicda oo dhismeyaal u badan waxa ka mid ah Dhismaha Aqalka Madaxtooyada ee Ceerigaabo, Dhismaha Xarunta Xeer-ilaalinta Gobolka, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta, Dhismaha Deyrka Jaamacadda Sanaag University ee magaalada Ceerigaabo, Xarunta Ciidanka Birmadka iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo.

Maalintii Arbacada ee Toddobaadkii hore, waxa ay weftiga Guddiga Qandaraasyadu gaadheen magaalada Laascaanood, halkaas oo kulan ay la yeesheen maamulka gobolka kaddib ay kormeerkooda ku indho-indheeyeen mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay degmada Laascaanood, kuwaas oo ay ka mid yihiinkuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha Xarunta Dab-demiska ee Laascaanood iyo Dib-u-habayn lagu sameeyey Garoonka kubadda Cagta ee magaaladaas.

Weftiga oo ku gudo-jira safarkooda ay ku kormeerayaan mashaariicaha xukuumaddu hirgelisay oo ay guddi ahaan uga masuul yihiin bixintooda iyo hubintoodaba, ayaa Khamiistii dorraad oo ku beegnayd 31-kii December kormeer ku sameeyey dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Burco, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismeyaal lagu kordhiyey Cusbitaalka Burco, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Burco, Dib-u-dhis iyo Dayac-tir lagu sameeyey Biriishka magaalada Burco iyo Mashaariic kale.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net