Noocyada Mashaariic Xukuumadda Somaliland ka hirgelisay Laascaanood iyo Masuuliyiin Kormeer ku sameeyey

 

Laascaanood (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud iyo Xubno ka tirsan Guddigaas, ayaa maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Weftiga Guddoomiyaha oo maalmihii u dambeeyey ku gudo-jiray kormeer ay ugu kuur-galayaan mashaariic kala duwan oo ka xukuumaddu ka hirgelisay gobollada dalka, waxa ay kormeer ku tageen dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha Xarunta Dab-demiska ee Laascaanood iyo Dib-u-habayn lagu sameeyey Garoonka kubadda Cagta ee magaaladaas.

Ujeeddada kormeerka weftigan ayaa masuuliyiintu ku sheegeen mid ay ugu kuur-galayaan isla markaana ku xaqiijiyeen habsami-u-socodka iyo tayada mashaariicdan oo laga maal-gelinayo miisaaniyadda dowladda, kuwaas oo ay fulinayaan shirkado waddani ah oo laga dhex-xushay tartan ay Guddiga Qandaraasyadu qabteen.

Warkan oo Faahfaahsan kaga bogo muuqaalka Hoose 

Weftiga Guddiga Qandaraasyada Qaranka ayaa kormeerkooda guud ka bilaabay gobolka Sanaag oo ay ka socdaan ama laga fuliyey mashaariic tiro badan oo xukuumaddu maalgelisay kuwaas oo intooda ugu badan laga hirgeliyey magaalada Ceerigaabo.

Weftiga ayaa Isniintii todobaadkan kormeer ku tagay Dhismaha Xarunta Jaamacadda degmada Garadag oo inteeda badan la dhammeystiray, waxaanay halkaas warbixin kaga dhegaysteen maamulka degmada oo xog-warran ka siiyey habsami-u-socodka dhismaha jaamacadda.

Sidoo kale, waxa ay weftiga Guddiga Qandaraasyada Qaranku Salaasadii Shalay gaadheen degmada Ceerigaabo, waxaanay si gooni-gooni ah kormeer ugu sameeyeen dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada. Mashaariicda oo dhismeyaal u badan waxa ka mid ah Dhismaha Aqalka Madaxtooyada ee Ceerigaabo, Dhismaha Xarunta Xeer-ilaalinta Gobolka, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta, Dhismaha Deyrka Jaamacadda Sanaag University ee magaalada Ceerigaabo, Xarunta Ciidanka Birmadka iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net