Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Kormeeray Dhismaha Jaamacadda Garadag iyo Mashaariic kale oo ay bixiyeen

 

Gar-Adag (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Guddiga iyo Xubno ka mid ah Guddiga Qandaraasyada, ayaa maanta kormeer ay ugu kuur-galayaan Jaamacadda Garadag ee gobolka Sanaag oo qaybo ka mid ah kharashka ku baxay dhismaheeda ay xukuumaddu bixisay.

Guddiga Qandaraasyada oo dowladda uga wakiil ah mashaariicda horumarineed ee xukuumaddu ka fuliso gobollada dalka, ayaa ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidhaa sidii ay kormeer ugu samayn lahaayeen habsami u socodka mashaariic xukuumaddu ka hirgelisay gobollada dalka kuwaas oo ay fuliyeen shirkado waddani ah oo tartan loo galay kaddib ku guulaystay fulinta mashaariicda.

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka degmada Garadag, Jaamac Aadan, ayaa weftiga Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada faahfaahin ka siiyey dhismaha Jaamacadda oo ka kooban 12 fasal iyo baahiyaha xilligan ka jira ee u baahan in wax laga qabto.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Nuux Maxamed Xuseen oo dhankiisa ka hadlay ujeeddada socdaalka Guddiga oo uu ku tilmaamay mid la xidhiidha kormeer ay ku samaynayaan mashaariic xukuumadda ka hirgelisay gobollada dalka oo Guddigoodu bixiyeen.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose