Guddiga Qandaraasyada oo Kormeeray Mashaariic Kala Duwan oo Xukuumaddu ka Hirgelinayso Gobolka Sanaag

 

Ceerigaabo (SLpost)- Maamulka sare iyo Xubno ka tirsan Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland oo gudo-jira kormeer guud oo ay ku indho-indhaynayaan habsami-u-socodka Mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelinayso gobollada dalka, ayaa maanta gaadhay caasimadda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen iyo Agaasimaha Guud ee Guddigaas oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Guddigaas oo shalay kormeer ku sameeyey dhismaha Jaamacadda Garadag, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Ceerigaabo, waxaanay Guddigu kulan la qaateen Maamulka Gobolka Sanaag.

Kulanka ay la qaateen Maamulka gobolka kaddib, waxa ay Guddigu kormeer indho-indhayn ah ku mareen Mashaariic Kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelinayso magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dhismaha Aqalka Madaxtooyada ee Ceerigaabo, Dhismaha Xarunta Xeer-ilaalinta Gobolka, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta, Dhismaha Deyrka Jaamacadda Sanaag University ee magaalada Ceerigaabo, Xarunta Ciidanka Birmadka iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo dhismahooda ay fulinayaan shirkado waddani ah oo ku guulaystay tartan daah-furan oo Guddiga Qandaraasyadu hore u qabatay. Mashaariicda ayaa intoodani badani gebo-gabo ku dhow yihiin xilligan.

Agaasimaha Guud ee Guddiga Qandaraasyada Qaranka Axmed Cabdirisaaq Diiriye iyo Komishaneer Muuse Faarax Jaambiir, ayaa sheegay in ujeeddada kormeerkooda oo ay ka bilaabeen gobolka Sanaag isla markaana ku galaa-bixinayaan guud ahaan gobollada dalka tahay mid ay ugu kuur-galayaan habsami-u-socodka iyo sida loo fuliyey mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka fulinayso dalka, kuwaas oo ay Guddi ahaan bixintooda iyo hubintooda uga masuul yihiin xukuumadda.

Muuqaalka Hoose ka daawo Warkan oo Faahfaahsan.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net