Guddiga Qandaraasyada oo Indhahooda ku Arkay Qaabka loo fuliyey Mashaariic Xukuumaddu ka hirgelisay Gobolka Togdheer

 

Burco (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud iyo Xubno ka tirsan Guddigaas, ayaa maanta kormeer indho-indhayn ku sameeyey mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey magaalada Burco kuwaas oo xukuumaddu maalgelisay kharashka ku baxay.

Weftiga Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada oo maalmihii u dambeeyey ku gudo-jiray kormeer ay ugu kuur-galayaan mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gobollada dalka, ayaa maanta kormeer indho-indhayn ah ku maray dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Burco, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismeyaal lagu kordhiyey Cusbitaalka Burco, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Burco, Dib-u-dhis iyo Dayac-tir lagu sameeyey Biriishka magaalada Burco iyo Mashaariic kale.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd iyo Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Burco Cabdi Suudi Ibraahim, ayaa weftiga Guddiga Qandaraasyada faahfaahin ka siiyey mashaariicaha kala duwan ee xukuumaddu ka fulisay degmada Burco.

Muuqaalka Hoose ka daawo Warkan oo faahfaahsan iyo Hadallada Masuulyiinta

Ujeeddada kormeerka weftigan ayaa masuuliyiintu ku sheegeen mid ay ugu kuur-galayaan isla markaana ku xaqiijiyeen habsami-u-socodka iyo tayada mashaariicdan oo laga maal-gelinayo miisaaniyadda dowladda, kuwaas oo ay fulinayaan shirkado waddani ah oo laga dhex-xushay tartan ay Guddiga Qandaraasyadu qabteen.

Weftiga Guddiga Qandaraasyada Qaranka ayaa kormeerkooda guud ka bilaabay gobolka Sanaag gaar ahaan degmooyinka Gar-Adag iyo Ceerigaabo oo ay ka socdaan ama laga fuliyey mashaariic tiro badan oo xukuumaddu maalgelisay, iyagoo sidoo kale safarkooda indho-indhaynta ah kutagay magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

Weftiga ayaa Isniintii todobaadkan kormeerkooda ka bilaabay  Dhismaha Xarunta Jaamacadda degmada Garadag oo inteeda badan la dhammeystiray, waxaanay halkaas warbixin kaga dhegaysteen maamulka degmada oo xog-warran ka siiyey habsami-u-socodka dhismaha jaamacadda.

Sidoo kale, waxa ay weftiga Guddiga Qandaraasyada Qaranku Salaasadii Shalay gaadheen degmada Ceerigaabo, waxaanay si gooni-gooni ah kormeer ugu sameeyeen dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada. Mashaariicda oo dhismeyaal u badan waxa ka mid ah Dhismaha Aqalka Madaxtooyada ee Ceerigaabo, Dhismaha Xarunta Xeer-ilaalinta Gobolka, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta, Dhismaha Deyrka Jaamacadda Sanaag University ee magaalada Ceerigaabo, Xarunta Ciidanka Birmadka iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo.

Arbacadii shalay oo ku beegnayd 30-ka December 2020-ka, waxa ay weftiga Guddiga Qandaraasyadu gaadheen magaalada Laascaanood, halkaas oo kulan ay la yeesheen maamulka gobolka kaddib ay kormeerkooda ku indho-indheeyeen mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay degmada Laascaanood, kuwaas oo ay ka mid yihiinkuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha Xarunta Dab-demiska ee Laascaanood iyo Dib-u-habayn lagu sameeyey Garoonka kubadda Cagta ee magaaladaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net