Madaxweynaha Somaliland Oo Xil-ka-qaadis, Magacaabis iyo Isku beddel ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegtooyin uu maanta soo saaray xil-ka-qaadis, magacaabis iyo isku-beddel ku sameeyey xubno ka tirsan golihiisa Xukuumadda.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa xilka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Saleebaan Cali Bukhaari oo xilka wasaaraddaas hayey muddo Shan bilood ah. Digreetadan ayaa noqonsa markii labaad ee madaxweyne Biixi xilka ka qaado Saleebaan Bukhaari oo hore u soo noqday Guddoomiyaha hay’adda Caymiska Qaranka.

Madaxweyne Biixi waxa uu Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka u magaaabay wasiirkii Kalluumaysiga Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud.

Sida lagu sheegay wareegtada madaxweynaha, waxa uu madaxweynuhu Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Kalluumaysiga u magacaabay Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda Beeraha Maxamuud Warsame Jaamac.

Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax, ayuu madaxweynuhu u magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, halka Faysal Maxamuud Siciid Cabdulle loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf, waxa uu madaxwey u beddelay inuu noqdo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net