Ethiopia Oo Ku Gacan-saydhay Qorshe Ka Dhan ah Heshiiska Somaliland Oo Loo Soo Bandhigay

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Soomaaliya oo adeegsanaya waddamo shisheeye, ayaa toddobaadkan qaadday tallaabo ay kaga hortagayso heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.

Ilo-wareedyo dublomaasiyeed oo warbaahinta Ethiopia soo xigatay, ayaa sheegay in Xukuumadda madaxweyne Xasan Sheekh ay Dowladda Ethiopia ugu deeqday deked bilaash ah oo ay u isticmaali karto ganacsi ahaan iyo military ahaanba.

Warkan oo aanu ka soo xigannay warbaahinta Ethiopia, waxa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa waddan saddexaad oo magaciisa la qariyey, ay taas beddelkeeda Xukuumadda Addis Ababa ka dalbatay inay ka laabato Aqoonsiga Somaliland.

Warku wuxuu intaas ku daray in dalabkaasi u cuntami waayey masuuliyiinta Dowladda Ethiopia ee arrintan lagala hadlay, kuwaas oo la sheegay inay isla markiiba hordhigeen mowqifka dowladdooda ee heshiiska Somaliland oo ay ku tilmaameen lama-taabtaan.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah ololeyaal fashilmay oo Dowladda Soomaaliya ku qaadday heshiiska isfaham ee dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Ethiopia.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore ugu yaboohday inay dowldda Ethiopia u oggol yihiin dhowr dekedood haddii ay ka laabtaan heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland, haseyeshee tallaabadan u dambaysay ayaa bannaanka keentay guul-darrooyin dublomaasiyeed ee Dowladda Xasan Sheekh soo gaadhay tan horaanta bishii January ee Sannadkan Oo madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia ay heshiiskan wada-jir ugu saxeexeen Magaalada Addis Ababa.

Heshiiska ayaa Ethiopia u suurtagalinaya inay ciidamadeeda baddu xeebaha Somaliland ka helaan saldhig Milatari oo kiro ah, taas beddelkeedana ay Ethiopia noqoto waddanka ugu horeeya ee Aqoonsada madax-bannaanida Somaliland.

Dowladda Somaliya oo ka jawaabaysa isfahamka labada dowladood, waxa ay dhawaan heshiisyo ganacsi iyo difaac isugu jira la gashay Dowladda Turkiga oo lagu wareejiyey ku-tagri-falka iyo ka faa’idaysiga kheyraadka badda ee Soomaaliya.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net