Dowladda Maraykanka oo loogu Baaqay inay Somaliland iyo Kenya ku Caawiso Diyaaradaha Aan Duuliyaha lahayn

Hargeysa (SLpost)- Michael Rubin oo ah khabiir falan-qeeya siyaasadda Caalamka ee danaha Maraykanka, kana tirsan macadka American Enterprise Institute, ayaa dawladda Maraykanka ku booriyey inay ka hortagto halista ka iman karta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu geeyey Soomaaliya, kuwaasi oo khatar ku ah ammaanka masaalixda Maraykanka iyo dalalka xulafada la ahba.

Mr. Rubin oo arrinta kaga hadlay maqaal lagu baahiyey Washington Examiner, waxa sheegay in lix diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho ay injineerro Turkiga u dhashay oo waday ay sheegeen in diyaaradahaas loo keenay nin beeralley ah, kagana shaqeynaya wax-soo-saarka beeraha.

Michael Rubin waxa xusay in diyaaradaha aan duulliyaha lahayn halka xabo la siiyo qiime dhan $780,000 taasi oo aanu tahli karin qof beeralley ahi oo Soomaaliya ku dhaqani, waxaanu u soo jeediyey Maraykanka inay la socdaan halista ka iman karta diyaaradahaas, waxaanu caddeeyey in la joogo xilligii Dawladda Maraykanku ay diyaaraha aan duulliyaha lahayn ay siin lahayd dalalka Somaliland iyo Kenya oo uu ku sifeeyey xulafada Maraykanka, maadaama Turkigu siiyey diyaaradaha aan duulliyaha lahayn waddamo kale.

Michael Rubin waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowladda Maraykanka inay ka hortagto heshiisyo ay dowladaha Israel, Iran iyo Turkigu ay dowladda Ethiopia kaga iibinayaan diyaaradaha Drones maadaama oo sida uu sheegay ay u adeegsanayso shacabkeeda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net