Dowladda Kenya oo Magacowday Dibloomaasiyiinta Safaaraddooda Somaliland

Nairobi (SLpost)- Dowladda Kenya, ayaa soo magacowday dibloomaasiyiin hoggaamin doona Xafiis diblomaasiyeed oo Dalkaasi ku yeelanayo Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kaas oo la filayo in xadhigga laga jaro dhawaan.

Warqad ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Kenya 2-dii bishan September, ayaa lagu sheegay in Dowladda Kenya xafiiskooda Hargeysa u magacowday Afar dibloomaasi oo isugu jira Madaxa Xafiiska iyo ku-xigeenkiisa iyo laba sarkaal oo qaabilsanaan doona hawlaha maamul ee Xafiiska.

Sida ku xusan waraaqda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Saraakiisha Qaabilsanaan doona hawlaha isku-xidhka Kenya iyo Somaliland, madaxa xafiiska dibloomasiyadeed ee Kenya ku yeelanayso Hargeysa waxa loo magacaabay dibloomaasi lagu magacaabo Benson M. Mwaliko (Head of Liaison Office).

Sarkaalka labaad oo lagu magacaabo Charles K. Waichari, ayaa loo soo magacaabay (Second Counsellor) oo ah darajada 2aad ee loo magacaabo xilalka dibloomasiyiinta dalalkooda uga wakiilka ah waddamada caalamka.

Labada Sarkaal ee kale oo kala ah haweenay lagu magacaabo Grace N. Musau iyo Ronald O. Nyakweba, waxa labadoodba loo magacaabay (Administrative Attache) oo ah inay u xil-saaran yihiin ama masuul ka noqdaan hawlaha kala duwan ee Safaaradda Kenya ku leedahay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Safaaradda Kenya ka furanayso Somaliland oo qayb ka ah heshiis bishii December 2020 magaalada Nairobi ku dhexmaray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Dhiggiisa Kenya Uhuru Kenya, ayaa qorshuhu ahaa  in xadhigga laga jaro bishii March ee sannadkan, haseyeeshee waxa dib u dhigay faafitaanka aafadda xannuunka Covid-19.

Saraakiil ka socota wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, ayaa toddobaadkii u dambeeyey socdaal ay ugu gogal-xaadhayaan diyaarinta iyo furitaanka Safaaradda dalkaas u jooga magaalada Hargeysa.

Dalka Kenya ayaa noqonaya Waddankii Afraad ee safaarad ka furta Somaliland. Sidoo kale, waa waddankii saddexaad eek u yaalla qaaradda Afrika ee xidhiidh diboomasiyadeed oo toos ah la sameeya Jamhuuriyadda Somaliland.

Waddamada Ethiopia, Jabuuti iyo Taiwan ayaa xafiisyo dibloomasiyeed oo derajadoodu heer safaaradeed tahay ku leh magaalada Hargeysa, waxaanay Somalilland sidaas si la mid xafiisyo-dibloomasiyadeed ku leedahay Ethiopia, Djibouti, Kenya iyo Taiwan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net