Dawladda Somaliland Oo Baaq U Dirtay Shirkadaha Dalka Jarmalka

vice president Saylici speaking at the launching ceremony of the foundation

Hargeysa (SLpost) – Dawladda Somaliland, ayaa baaq u dirtay ganacsatada iyo Maal-qabeennada caalamka si ay maalgeshi ugu sameeyaan dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay in Somaliland ay soo jiidatay Maalgeshadayaal Caalami ah, sida Shirkadaha Coca-cola, DP World iyo General Energy, xilligana ay Bulshada Caalamka ugu yeedhayaan inay arkan oo ay ka faa’idaystaan fursadaha yaalla Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland wuxuu farriin u diray Shirkadaha iyo maalgasheyaasha dalka Jarmalka.

“Somaliland waxay soo jiidatay maalgashadayaasha, xasiloonida iyo kalsoonida awgeed, waxay heshay maalgashi caalami ah sida Shirkadaha waaweyn Coca-Cola, DP World iyo General Energy. Sidaa awgeed waxaanu ku martiqaadaynaa shirkadaha Jarmalka inay yimaaddaan oo ay khibrad u yeeshaan xasiloonida iyo fursadaha ay Somaliland bixiso,” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi Qoraalkiisa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net