Guddooyaha Golaha Guurtida oo Caddeeyey inaanay Doorashooyinku ku qabsoomaynin wakhtiga loo muddeeyey

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Nuur), ayaa sheegay inaanay suurta-gal ahayn doorashooyin dalka ka qabsoomaya xilliga loo muddeeyey oo ku beegan horaanta Sannadka dambe, isagoo taas ku sababeeyey inaanay xilligan muuqan dedaalka diyaar-garowgeeda iyo xaaladda waddanku ku sugan yahay wakhtigan.

Guddoomiye Saleebaan oo maanta hadal ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 67 ee Golaha Guurtida, waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu afka ka dhawrayo inuu Shacabka iyo bulshada caalamkaba u caddeeyo inaanay dalka ka qabsoomaynin Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

HOOS KA DAAWO HADALKA UU GUDDOOMIYUHU ARRINTAN KAGA HADLAY