TACSI: Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa Qoysaska labada Marxuum C/laali Cabdi Axmed iyo Maxamed Xuseen Caabbi

Guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland(SOLLA), isagoo ku hadlaya afka guddida fulinta iyo ka xubnaha Ururka Qareenada Somaliland ee Solla, wuxuu tacsi u diriyaa Ehelkii, Qaraabadii iyo dhammaan umadda reer Somaliland. Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid agaasimihii guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Marxuum Cabdillaahi Cabdi Axmed (C/llaahi kubado).
Sidoo kale, Guddoomiyuhu isagoo ku hadlaya afka guddida fulinta iyo ka xubnaha Ururka Qareenada Somaliland ee Solla, wuxuu tacsi u diriyaa Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan isaga oo ka tacsiyedaynaya Geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Saygeedii Marxuum Maxamed Xuseen Caabbi. Waxa uu Eebbe uga baryayaa labada Marxuum inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo ehelkii, qaraabadii iyo umadda Somaliland ee ay baxeen-na Samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin…………………..….Aamiin………………………Aamiin