Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Go’aamo ka soo saartay dacwadaha Natiijadii Doorashada Golaha Wakiillada

Maxkamada sare ee Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa laashay dacwado ay usoo gudbiyeen Musharixiin ka cabanayay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada Golaha Wakiillada.

Musharixiintan ayaa ah kuwii aan ku guulaysan inay ku soo baxaan doorashadii Golaha Wakiilada oo dacwado cabasho ah u gudbiyey Maxkamadda Sare ee Somaliland oo saddexdii toddobaad ee u dambeeyey ku hawlanayd dhegaysiga dacwadaha loo gudbiyey.

Maxkamada sare ee Somaliland

Go’aamo ka soo baxay Maxkamadda Sare ee JSL ahna Maxkamadda Dastuuriga ah oo ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyaha iyo Garsooreyaasha Maxkamadda sare, ayaa lagu sheegay Maxkamaddu ayidday natiijadii ay guddida doorashooyinka Somaliland shaaciyeen.

Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa 28-kii June 2021 soo gebo-gabaysay dhegaysiga dacwado ay murashaxiintu u gudbiyeen, kaddib markii ay Maxkamaddu saddex fadhi oo kala duwan ka yeelatay dhegaysiga 22 dacwadood.

Murashaxiinta dacwaddooda go’aanka laga soo saaray waxa ka mid ah Fu’aad Yuusuf Cismaan oo xisbiga Kulmiye uga sharraxnaa gobolka Awdal iyo Yuusuf Siciid Axmed oo Xisbiga Waddani uga sharraxnaa gobolka Maroodijeex.

Hoos kaga bogo laba ka mid ah Dacwada Murashaxiinta oo Maxkamaddu ka soo saartay Go’aamo ku taariikheyrsan 3-dii bishan July.

 

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net