Maxkamadda Sare ee JSL oo guda-gashay wejiga 2aad ee Dhegaysiga Dacwadaha Natiijadii Doorashada Golaha Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta gudo-gashay fadhigii labaad ee ay ku dhagaysanayso dacwadaha la xidhiidha natiijadii doorashada golaha Wakiillada JSL, waxaanay maanta dhagaysatay toddoba dacwadood oo loo gudbiyey.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali iyo 9 garsoore oo ka tirsan Maxkamadda sare, ayaa maanta fadhi ka yeeshay dhegaysiga toddoba dacwadood oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada golaha Wakiillada oo ay maxkamadda u gudbiyeen murashaxiin qawaday natiijada doorashada.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Maxkamadda Sare, fadhiga maanta waxa qorsheysnaa in dhegaysigooda la gudo-galo Siddeed dacwadood, balse waxa isla saaka dacwaddiisa ka noqday hal murashax oo hore dacwaddiisa u soo gudbiyey.

Toddobada dacwadood ee fadhiga maxkamadda lagu dhegaystay saaka, ayaa ka tirada kiisaska la xidhiidha dacwadaha khuseeya arrimaha doorashada ee Maxkamaddu ka fadhiisatay ka dhigaysa 14 Dacwadood.

Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa 23-kii bishan June dhegaysatay 7 dacwadood oo shaacinta go’aankooda la sugayo.

Warku waxa uu intaas ku daray inay jiraan 8 dacwadood oo Maxkamaddu dhegaysigooda u muddeysay maalmaha soo socda, kaddib marka la soo gebo-gabeeyo dhegaysiga 7-da dacwadood ee maxkamaddu saaka u fadhiisatay.

Maxkamadda Sare ee JSL ahna maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo go’aamada kama dambaysta ah ee Dacwadaha kaddib marka dhegaysigooda la dhammeystiro.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxa fadhiga saaka ee dhegaysiga dacwadaha ku wehelinayey Ku-xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele, Garsoore Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Garsoore Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Garsoore Axmed Diiriye Qaalib, Garsoore Yaxye Cali Idiris, Garsoore Maxamed Faarax Siciid, Garsoore Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, Garsoore  Cabdilaahi Cabdi Aadam iyo kaaliyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Sahra Ismaaciil Cabdilaahi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net