Laascaanood: Xukuumadda Somaliland Oo ka Shirtay Xaaladda magaalada Iyo Wararkii u Dambeeyey

Laascaanood (SLpost)- Kulan ballaadhan oo lagaga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood, ayaa maanta magaalada ku dhex-maray Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Qaranka iyo maamulka gobolka Sool.

Kulanka oo ku qabsoomay xarunta maamulka gobolka Sool oo uu shir-guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta Amniga guud ee Magaalada Laascaanood.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, waxa kulanka ku wehelinayey Wasiir Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Salebaan Warsame Guuleed, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Ducaale Qambi, Wasiirka Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim faarax, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), Badhasaabka Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, Maayorka Degmada Laascood, Xildhibaan Axmed Cali Casoowe, Masuuliyiin kale oo Xukuumadda ka tirsan iyo Taliyayaasha Ciidanka ee Gobolka Sool.

Guud ahaan Magaalada Laascaanood ayaa ah mid Nabadgelyo ah oo degan iyadoo amniga ay sugayaan Ciidamada Nabadgelyada, iyadoo Weftiga uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha uu isla maanta guda-galay hawlaha shaqo ee dar-dargelinta amniga Laascaanood.