Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe ee Somaliland oo La Soo gebo-gabeeyey

Hargeysa (SLpost)- Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasallada 8aad ee Dugsiyada H/Dhexe, ayaa Salaasada maanta si rasmi ah loo soo gebo-gabeeyey guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa warbaahinta u sheegay inuu maanta soo gebo-gaboobay imtixaanka Shahaadiga ah, gaar ahaan fasallada 8aad ee Dugsiyada H/Dhexe oo sannadkan ay u fadhiistaan in ka badan 25-kun oo Arday.

“Imtixaankii oo dhami maanta ayuu soo dhammaaday, Dugsiyadii Dhexe ee caasimadda oo dhan imtixaankoodii waxa laysugu wada keenay xarunta Imtixaanaadka, iyagoo wada nabad ah ayay yimaaddeen, kuwii gobollada-na way soo wada-baxeen dhammaantood waana la sugayaa”, sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka, waxaanu u mahad-celiyey ciidammada ammaanka oo uu sheegay inay si mug leh uga qayb-qaateen habsami u socodka Imtixaanaadka.

Guddoomiyuhu waxa uu u mahad-celiyey Ardayda Dugsiyada H/Dhexe ee sannadkan ka qayb-galay imtixaanka oo uu sheegay inay si habsami ah ku dhammeysteen isla markaana aanay wax khal-khal ah ku keenin Imtixaanka.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasallada 4aad ee Dugsiyada Sare oo sannad-dugsiyeedkan ay u fadhiisteen in ka badan 16-kun oo arday, ayaa la filayaa inuu soo gebo-gaboobo maalinta Khamiista ee toddobaadkan.

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee Somaliland oo guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilaabmay 17-kii bishan June, waxa u fadhiistay arday tiradoodu kor u dhaafayso 41-Kun, taas oo noqonaysa tiradii ugu badnayd ee u fadhiisata Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka.

Sannad-dugsiyeedkii hore ee 2021/2022 waxa imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare u fadhiistay 37-kun oo arday halka sannad-dugsiyeedkii ka horreeyey ee 2020/2021 ay u fadhiisteen in ka badan 32-kun oo arday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net