Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe ee Somaliland oo la soo Gebo-gabeeyey + Xogta Imtixaanka

MUXUU IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE SANNAD-DUGSIYEEDKA 2021/2022 KAGA DUWAN YAHAY KUWII HORE?

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta si Rasmi u soo gebo-gaboobay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga H/Dhexe ee Somaliland oo si nabadgelyo iyo deggaanaansho ku soo dhammaaday, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.

Sanaadiiqda imtixaanka ee gobollada iyo degmooyinka ayaa laysugu geeyey xarumaha wasaaradaha Waxbarashada ee degmooyinka dalka, iyadoo gelinka dambe ee maanta ay gaadiidka imtixaanka sidaa usoo amba-baxayaan dhinaca magaalada Hargeysa.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Somaliland, waxa sannadkan u fadhiistay 22,920 Arday kuwaas oo 12,815 wiilal yihiin halka 10,105 hablo yihiin, waxaanay tani ka dhigan tahay tiradii ugu badnayd hablaha dugsiyada H/Dhexe ee imtixaanka u fadhiiista.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Faarax, ayaa sheegay in imtixaanka dugsiyada Hoose/Dhexe uu si nabadgelyo ah ku soo dhammaaday, dhammaan sanaadiiqdii imtixaankuna ku soo jeedaan dhinaca magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Daa’uud Faarax waxa uu carrabka ku dhuftay hal caqabad oo ay ka arkeen Ardayda Dugsiyada H/Dhexe muddadii uu imtixaanku socday, taas oo uu ku sheegay isticmaalka telefoonada gacanta oo ardayda qaarkood lagu qabtay, waxaanu waalidiinta ugu baaqay inay mudnaanta kowaad siiyaan kobcinta Aqoonta ubadkooda oo ay ka mid tahay in ardayda macalimiin loogu qabto guryahooda.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee Somaliland oo ay u fadhiisteen 14,428 arday oo isugu jira 8,262 wiilal ah iyo 6,166 hablo ah, ayaa la filayaa in la soo gebo-gabeeyo Khamiista Todobaadkan.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee Somaliland oo sannadkan ay u fadhiisteen tiradii ugu badnayn oo wadar ahaan noqonaysa 37,348 Arday, ayaa guud ahaan ba gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilaabmay 11 June, 2022 oo ku beegnayd Sabtidii toddobaadkan.

Guud ahaan Somaliland, waxa sannadkan imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare u fadhiistay 21,077 arday oo wiilal ah iyo 16,271 arday oo Gabdho ah oo wadar ahaan noqonaya 37,348 arday iyadoo tiradani muujinayso inay sannadkan imtixaanka ugu fadhiisteen tiradii ugu badnayd ee Ardayda Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee Somaliland.

Sannad-dugsiyeedkii hore ee 2021, waxa guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland imtixaanka Shahaadiga ah u fadhiistay 32,849 arday  oo isugu jiray 19,175 Wiil iyo 13,674 Hablood.

Tirada Hablaha Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare u fadhiistay, waxa sannadkan ku kordhay 2,597 Hablood, halka tirada Wiilashuna tiradii sannadkii hore u fadhiisatay ka badan tahay 1,902 wiil.

Muuqaalka Hoose ka daawo Saraakiisha Xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland

Guji Halkan si aad uga bogato tirada Ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah u fadhiisatay sannad-dugsiyeedkii 2020/2021-kii.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net