Somaliland: Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare Oo Si Rasmi ah uga Furmay Gobollada Dalka 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 4aad ee Dugsiyada sare iyo Fasallada 8aad ee Dugsiyada H/Dhexe oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2022/2023 oo saaka ka bilaabmay 300 Goobood, waxa ka qayb-qalay ardaydii ugu badnayd oo dhammaystay waxbarashada Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa imtixaanka si rasmi ah uga daah-furay Dugsiga sare ee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, waxana uu gacantiisa ku qaybiyey nuqullo kamid ah imtixaanka saaka ka bilaabmay dalka oo dhan.

Ugu horrayn, guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka, Mudane Daa’uud Axmed Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay sannadkan imtixaanka u fadhiisanayaan tiradii ugu badnayd abid Imtixaanka Shahaadiga ah ee dalka.

Guddoomiye Daa’uud waxa uu sheegay sannadkan imtixaanka u fadhiisanayaan in ka badan 41-kun oo Arday oo isugu jira 25-kun oo dugsiyada Dhexe ah iyo 16-kun oo Dugsiga sare ah, kuwaas oo aanay ku jirin 3, 243 arday oo ah ardayda Gobolka Sool oo xaalad ammaan-darro awgeed looga reebay, iyadoo fadhi Golaha Wasiirradu sheegay lagu go’aamiyey in ardaydaas imtixaankooda la dammaanad-qaado, sidaasna lagu siiyo dhibcaha imtixaanka.

Guddoomiyaha Xafiiska imtixaanaadku waxa uu sheegay inay sannadkan markii u horeysay ay imtixaanka u fadhiisteen arday aragga naafo ka ah.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa isaguna madaxweynaha uga mahadnaqay daah-furka imtixaanka qaranka ee maanta bilaabmay, waxana uu ardayda u rajeeyey guul.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban goobta ka jeediyey, ayaa u duceeyey ardayda, waxaanu kula dardaarmay inay iska saaraan cabsida imtixaanka, niyaddooda wanaajiyaan, isaga oo bahda waxbarashada iyo guud ahaan qarankaba uga mahadnaqay hirgelinta imtixaanka iyo diyaarintiisaba.

“Imtixaanka waa lasoo wada maray, laakiin wuxuu lamid yahay casharradii hore oo kale oo wax weyn ma aha, haddii wax qaldamaanna berri baa la saxayaa, markaa waxaan dhammaan ardayda u rajeynayaa imtixaanka inay ku guulaystaan, waxaanan hambalyeynayaa wasaaradda waxbarashada iyo dhammaan qaranka Somaliland oo horumar weyn sameeyey,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Sannad-dugsiyeedkii hore ee 2021/2022 waxa imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare u fadhiistay 37-kun halka sannad-dugsiyeedkii ka horreeyey ee 2020/2021 ay u fadhiisteen in ka badan 32-kun oo arday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net